Khudbadda madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka oo dib u bilaabatay kaddib hakad ku yimid

1381

Buuq iyo Sawaxan ayaa hareeyay Khudbad Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeedinayay Furitaanka Kalfadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa markii uu bilaabay Khudbadda buuq iyo sawaxan kala kulmay qaar ka mid ah Xildhibaannada.

Hadal jeedinta Madaxweynaha ayaa Muddo daqiiqo ah waxaa hareeyay Buuq, maadaama xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay kala hortageen Madaxweynaha Orin iyo firinbi laga maqlaayay.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddoonka Aqalka Sare ayaa dadaal ku bixiyay in Xaaladda la dejiyo, waxaana xildhibaanada ugu baaqayeen in ay ilaaliyaan dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xildhibaano yar ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan Khudbadbadiisa.

Jawiga xarunta Golaha Shacabka ayaa caadi kusoo laabtay, waxana Madaxweynaha uu Khudbadiisa u jeediyay si taxadar leh.