Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay baaqii kasoo baxay barlamaanka Puntland ee ahaa in uusan aadin shirka Muqdisho

1203

Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo baaqii kasoo baxay barlamaanka Puntland ee ahaa in uusan ka qeyb galin shirka Muqdisho ka dhacaya ee dhex maraya dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Deni ayaa caddeeyay inuu tixgalinayo talada barlamaanka Puntand isla markaana raacayo go’aanka ay ka qaataan.

29 bishii hore ee June ayaa Baarlamaanka Puntland wuxuu soo saaray baaq ku saabsan in Puntand aysan ka qeyb galin shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee gogashiisa uu dhigay madaxweyne Farmaajo illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen ku xadgudubka loo geystay sharuucda dalka.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay in la badbaadiyo, isagoo sheegay dowladda federalku inay lugaha kula jirto khaladaad aan lagasoo garwaaqsan karin haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin.

Dhinaca kale madaxweyne Deni marnaba masoo hadal qaadin inay Puntland doonayso gooni isku taag ama inay midnimada Soomaaliya kala dhantaalayso, waxaana uu tilmaamay khilaafka Soomaaliya ka jira inuu yahay khikaaf siyaasi ah iyo mid dastuuri ah oo ay ka garnaqsanayaan.

Marka intaas lagasoo tago madaxweyne Deni wuxu sheegay inay socdaan qorshe lagu burburinayo aqalka sare iyo nidaamka federalisimka, wuxuuna yidhi,” Ififaalaha hadda socda waxaad moodaa in la baabi’nayo aqalkii sare, in la baabi’anyo federaaliisimka in la marooqsanayo taladii dalka. Waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed aysan mar baad ku qaldamin wixii dhacay 1969″.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xuska sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegatay markii gobolada konfureed ay xurriyada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga iyo midowgii koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.