Maxaa Hargeysa dib ugu soo celin kara xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya?

130

Sideedaba dareenka runta ah ee bulsho waxa laga dhex helaa munaaqashada maalinleyda ah ee ka dhacda fagaarayaasha dad-weynahu ku kulmaan, siiba dareen celintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda.

Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed ee wada-hadalada Xamar iyo Hargeysa, waxa kaaga soo dhex-bixi dhawr mowqif oo dadku qabaan, warqdanina si kooban ayey u falanqayn.

Mowqifka 1aad waa in Xamar ay garawsato gooni-isu-taagga Somaliland (SL); taasoo ka dhigan, ama u dhacaysa, inta Xamar leedahay Somaliland annaga ayey na hoos timaadaa in aan wada-hadal bilaabmi karin. Jawaab-celinta mowqifkani waa in mowqifkani yahay xatabad laga soo gudbay, ka dib markii sannadkii 2012 madaxweyne Silanyo ku qanciyey dhammaan haya’adaha dasatuuriga ah ee SL inay bilaa shuruud wada-hadal ula bilaabaan Xamar.

Kulankii London ee 2012, waxa kale oo uu markhaati u noqday, in Xamar iyana dhinaceeda, yaqiinsatay in SL aysan toos u hoos iman iyada, laakiin keliya ay haysato ictiraafka caalamiga ee dhulka SL (de jure recognition).

Valueimpression Placeholder
Mowqifka 2aad ee dadweynha SL laga maqlaa waa in aysan Hargeysi wada-hadal la furin Xamar, ilaa inta dawladda Xamar hananayso koonfur. Ama haddii si kale loo dhigo: ilaa inta koonfur ay ka soo baxayso dawlad la isku raacsan yahay, nabad ah, shaqaynaysa, toosna loo soo doortay. Waa mowqifkii uu taagnaan jirey m/weyne Riyaale.

Jawaabta mowqifkan kore la siin karaa waa tii mowqifka 1aad: waa laga soo gudbay marxaladaas, ka dib markii SL aqbashay in la furo wadahadal, dhawr jeerna la wada kulmay. Ilaa haddana dawldda Md Biixi ma diidana in la wada-hadlo, in kastoo mararka qaar tashuush badan iyo labac-labac ka muuqdo.

Mowqifka 3aad ee shacabka SL laga maqlaa waa in Xamar dusha u ridato xasuuqii ka dhacay waqooyiga dalka sannadihii (1988-1991). Waa mowqif ku waajahan dawlad kasta oo dhaxasha qarankii Soomaaliyeed, una tilmaamaya inay xambaarato falalkii ay geysteen dawladihii ka horeeyey. Haddii DF Somalia ay oggolaatay inay bixiso deyntii (5.3 billion dollars) ay dawladdii Siyaad Barre qaadatay, maxaa u diidaya inay dhaydo wixii jawr-fal iyo dhib ah ah ee lagu falay magacii dawladdii Somaaliyeed?

Mowqif 4aad oo dadku cabiraan baa isna ah: in Xamar la gole timaado sidii dadka SL ay faleen 1dii July 1960 (israacii Somaliland iyo Somalia), taas oo ah in berigaas Xamar qaadatay M/weynihii, R/wasaarihii, daahkiliga, khaarajiga, maaliyadda iyo caasimaddii. Waxa uu macnahu u dhacayaa: haddii Xamar daacad ka tahay midnimada, aanay ka ahayn keliya afka baarkiisa, ha huraan mansabyadii aanu bixinay 1960ki oo kale. Garo oo waa carin lagu calool baadhayo daacadnimada runta ah ee Xamar u qabto hilow midnimo.

Haddii aynu falanqayn kooban ka bixino mowqifyadaas kale duwan ee kor lagu xusay, waxa ay warqaddani qabtaa in mowqifyada 1aad iyo 2aad ba ay yihiin shuruudo ay wada-hadaladii hore ee labada dhinac meesha ka saareen, dibna loogu noqon karin. Laakiin mowqifyada 3aad iyo 4aad waxay u dhacayaan inay yihiin go’aano ku habboon in ay wada-hadalada ka soo baxaan (outcomes).

Tusaale ahaan, mowqifka 3aad oo ah qaadashada Xamar ee masuuliyadda xasuuqii Waqooyiga waddanka ka dhacay sannadihii 1988- 91, waa arrin dawo u ah in aan mar dambe falalkaas oo kale cidna dib ugu dhicin. Ka garaabid iyo cafin keliya kuma filna, waxa loo baahan in ay noqoto dhacdo ku suntan xasuus-wadaagta (collective memory) dadka Soomaaliyeed oodhan.

Hase yeeshee mowqifka 4aad, in Xamar hortu wixii ay hureen shacabka Somaliland 1960kii, waxa aan qabaa in ay Xamar ku adag tahay midkaasi. Waxay u eg-tahay sidii labo qof oo jar ama shax wada dheelaya oo mid ku yiraa kan kale: war licbaddii hore ee cayaarta waan kuu ilduufee, adiguna markan ii ilduuf. Taas macnaheedu ma aha in aanay Xamar tanaasul samayn. Waa in ay samaysaa oo bursi badan siisaa Hargeysa intii maangal ah.

Ogow shacabka waqoooyi danni/shaki badan buu ka qabaa hilawga iyo daacidnimada budh-tuurka (elite-ka) koonfurta. Aaminka (trust) ay shacabka waqooyi ku qabaan Xamar wuu hooseeya, waana in kor loo soo dhisaa.

Haddii-ba, hadda, tusaale ahaan, Xamar qaadato oo ka soo baxdo shuruudaha aan soo naaqishnay, talow budh-tuurka (elite-ka) hadda SL hogaamiyaa ma aqbalayaan, oo ma ku soo dabaalmayaan xayndaabkii jamhuuriyah Somaaliyah? Runtii, shaki weyn baa igaga jira. Hoos baan ku sharxi sababta.

29kii sanadood ee SL ay jirtay waxa samaysmay xoogag dano gaar ah (vested interest) ku leh gooni-isu-taagga – macnihii ka madaxbanaan-shiiyaha Xamar. Xoogaggaas oo ka yimaadda: gancsatada, siyaasiyiinta, warbaahinta, ciidamada, shaqaalaha dawladda, iyo ururada samafalka maxaliga ah. Xoogaggan ayaa muddo dheer iyagu dhigayey duruusta siyaasadeed ee maalin kasta bushada SL naaqishto. Dabeetana waxay sidaa ku abuureen ra’yul caam dadweyne oo mitid ah.

Xoogaggani waxa ay isku qanciyeen in awooddooda siyaasadeed (political power) ay hoos u dhacayso marka Xamar wax u kordhaan ba. Markii ugu horaysay ee dawladda Xamar caalamku aqoonsaday, meel-ku-gaarkii-ka baxday, kadib doorashadii M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayey Hargeysa furtay wada-hadalkii. Taas oo ay ujeedadedu ahayd in ay la dhuuqaan Xamar lacagta iskaashiga caalamiga ah ee soo ibo furmaysay markaas. Xataa waxa ay gaareen heer uu M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud ka talo-geliyo magacaabista wasiirada ka soo jeeda beesha Isaaq. Ujeedadoodu marna ma ahayn ku guryo noqoshada xayndaabkii jamhuuriyah Soomaliyah.

Waxa kale oo ay villa Hargeysa ka dheeftay heshiisyadaas ay la galeen Xamar sannadihii 2012-16: in beesha caalamku qaarkood toos ula macaamisho sida sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), iskaashiga saddexanka (troika) ee caawimada caalimiga ah ee ka dhexeeya Hargeysa, Garoowe iyo Xamar iyo heshiisyadii militari iyo dekadeed ee ay la galeen Imaaraatka. Villa Hargeysa way ballaarsatay awoodaheedii.

Sida caadiga ah qofna awood xukun (political power) u haysto ma sii daayo, in uu sii kordhiyo mooyee. Haddaba waa in villa Hargeysa ka dhex aragto danaheeda Xamar, iyadoo isla awoodoodii gudaha SL aysan waxba u dhinmin. Ama haddii si kale loo yiraa su’aalaha taagani waa: Xamar diyaar ma u tahay in ay villa Hargeysa miiska u saarto awoodo dheeri ah oo ay ku beddelan karto awoodaha xukun ee hadda gacanta ugu jira? Dhanka kale-na, Villa Hargeysa diyaar ma u tahay inay ku soo rogaal noqoto xayndaabka jamhuuriyah Soomaaliyah?

Haddii jawaabta labadan su’aalood ba “HAA” noqdaan, sahal weeye qancintu dadweynuhu, sidii m/weyne Silanyo ba hore ugu qanciyey shacabka SL bilawgii wada-hadalka. Inshallahu khayr.