Qarax goor dhow ka dhacay ka soo horjeedka dekedda Muqdisho

1005

Gaari lagsoo buuxiyay wax-yaabaha qarxa ayaa saakay abbaare 8:45 am (Aroornimo) lagu qarxiyay waaxda ilaalada canshuuraha barriga ee magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar jajab gaar ahaan meel ku dhow agagaarka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Xarunta la qarxiyay oo ah meel si weyn loo adkeeyay ammaankeeda ayaa waxay dhanka bari ka saarantahay saldhigga degmada Xamar jajab.

Waaxda gurmadka deg degga ah ayaa dhowr qof oo dhaawac ah u qaaday cisbitaallo uu kamid yahay Madiina. Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee  qaraxan ka dhashay.

Qaraxa lala eegtay xarunta Waaxda ilaalada canshuuraha barriga ayaa waxa uu imaanaya xilli ammaanka caasimadda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa mid hagaagsan.

Ma jiraan tafaasiil dheeraad ah oo ay booliska ka bixiyaan qaraxan iyo khasaaraha uu geystay inta uu la’egyahay.