Xildhibaanada mucaaradka Baarlamaanka oo kabaha la dul maray magacaabista Mahdi Guuleed

962

Maalintii shalay waxaa dood adag yeeshay xildhibaanada baarlamaanka ee ka tirsan aqalka hoose, iyagoona walaac ka muujiyay sharcinimada magacaabista sii hayaha ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo dhowaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay shaciga dalka baarsan tahay xukuumad sii hayeyaal ah inay sii wadaan howlaha, iyagoona sheegay in tallaabadaasi ay tahay ujeeďdooyin guracan laga leeyahay.

Mudanayaashan oo u badan mucaarad ku ah xukuumadda xilligeedu gabaaabsiga yahay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen odowaa oo ah xoghayaha xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne hore Xasam Sheekh Maxamuud, kaasi oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qabo jeenan boob.

“Doorasho madal ayay leedahay, madaxweynaha haddii doorasho raabo ha raaco shirka Dhuusamareeb” ayuu yiri xildhibaan Odowaa oo sheegay in Villa Somalia ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo muddo kororsi ah taasina ay ka horjeedaan.