Rug cadaa Cali Ugaas Cabdulle iyo Boqor C/llaahi Geedi Shadoor oo Muqdisho looga yeeray

1235

Magaalada Muqdisho oo maalmahaan ay ka jirtay dhiilo colaadeed taasi oo ku saabsan ciidamo laga wareejinayo madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo iyagu hormuud u ah kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Nabadoon C/raxmaan Maxamuud Cilmi (Nabadoon Dacay) oo u waramayay idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay howlgallo ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kuna dhow guri uu degenaa madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedka howlggalada ciidamada Haram Cadka loo yaqaano ee howlgallada ka sameynayay ayaa yimid xilli garoonka diyaaradaha Muqdisho madaafiic looga tuuray xaafadda uu degan yahay, isla markaana Dowladda federaalka ay qaadday tallaabooyin ay dib ugu yeereyso ciidamadeeda eregta ugu qoran iyo kuwa shaqada leexsan.

Nabadoon Dacay ayaa sheegay in halkaasi aanu wax dagaal ah ka dhicin, balse ay jirto dhiilo coleed iyo cabsi ay dadku ka qabaan in magaalada Muqdisho ka dhaco 30-sano kaddib dagaal sokeeye.

“Dowladda federaalka dalka iyadaa mas’uul ka ah, waxaana ugu baaqayaa inay ka shaqeyso nabad iyo inay gogol u dhigto dadka uu mugdiga ku kala jiro” ayuu yiri Nabadoon C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradka beesha Muddulood.

Mar uu ka hadlayay halka ay ku dambeeyeen shirarkii ay beeshu maalmahaan ka waday Muqdisho, waxa uu sheegay inay socdaan dhowaanna ay Muqdisho soo gaarayaan Rug cadaa Cali Ugaas Cabdulle iyo Boqor C/llaahi Geedi Shadoor oo dalka dibadiisa ku maqnaa isla markaana ka mid ah xubnaha ay go’do talada beesha Muddulood.

Dhinaca kale beesha Muddulood oo ku abtirsata beel weynta Hiraab ayaa kulamada ay Muqdisho ka waddo waxay shaki aad u weyn geliyeen shacabka kaddib markii dhowaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku dhaartay inuu Villa Somalia dagaal uga saarayo madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka.