Shil qasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Nugaal

1178

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah.

Shilkaan ayaa sigaar ah uga dhacay wadada u dhexeeysa Garoowe iyo tuulada Sinujiif  gaar ahaan geedka loo yaqaano Barde-dawaco, waxaana ku geeriyooday laba ruux oo mid haweeney ay tahay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga raaxada ahaa oo ku socday xawaare sare ah uuna mar  rogmaday, isagoo wadada ka baxay, isla markaana waxaa uu dhaawac soo gaaray saddex ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa, halka laba kalena ay dhinteen.

Dadka deegaanka ayaa gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, kuwaasi oo la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaaada Garoowe, iyadoona gaariga shilka galay uu ka yimid dhinaca tuulada Sinujiif.

Magaalada Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana  inta badan shilalka loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka ku wada xawaare sare.