Somaliland oo shaacisay in ay joojisay socdaalka dadka uga imanaya Itoobiya

1059

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay dadka raba inay socdaal ku tagaan deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ku yaalo Garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Somaliland ayaa sheegtay inay si kumeel-gaadh ah u hakisay dal ku galkii (Fiisihii) ay siin jirtey dadka ka imanaya Itoobiya ee raba inay gudaha u soo galaan deegaanadeeda.

Wakiil Kuxigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Kaariye ayaa shaaciyey inay safaarad ahaan joojiyeen Fiisihii ay siin jireen dadka ka imanaya dalka Itoobiya, oo la sheegay in laga helay Kiis la xiriira fayruska Corona.

Wakiilka ayaa xusay in Somaliland oo ka feejigan faafista cudurkaasi, ay qaadeen talaabadan oo ay u arkaan mid ay kaga hortagayaan in gudaha Somaliland uu soo galo fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida.

“Waxaanu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si kumeel gaadh ah ayaanu u joojinay bixinta dal ku galka (Fiisaha) ee aan siin jirnay dadka doonaya inay tegaan Somaliland ee ka imanayay Itoobiya” ayuu yiri Barkhad Kaariye.

Wuxuuna intaas kusii daray Wakiil Kuxigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Kaariye “Wixii soo kordha bulshada waanu la socod-siin doona”.

Go’aankan Somaliland ee ka dhan ah socdaalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili ay maanta si rasmiya u shaacisay dowladda Itoobiya in qof qaba cudurka Coronavirus laga helay wadankeeda.