Soomaaliya oo diiday dalab uga yimid UAE

1176

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalab uga yimid dowladda UAE oo ku aadan in ay ku biirto dagaalka ka socda Yemen si loogu helo dhiirrigelin dhaqaale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Imaaraadka ayaa u balanqaaday dowladda Soomaaliya in dib loogu furayo Isbitaalka Sheekh Zayed ee kuyaala magaalada Muqdisho, iyadoo Soomaaliya laga rabo in ay ka qeyb qaadato dagaalka Yemen, islamarkaana ay sheegato Jasiiradaha Socotra inay tahay dhul Soomaaliyeed.

Cusbitaalka Imaaraatka ee uu maamulo Sheekh Zayed ayaa daryeel caafimaad oo bilaash ah siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed illaa iyo Sanadkii 2018, taas oo qeyb ka ahayd xiriir diblumaasiyadeed ee u dhexeeyay Abu Dhabi iyo Muqdisho.

“Soomaalidu ma ahan aalad rakhiis ah oo looga faa’idaysto baahideeda…Yemen waa dal aan deris iyo walaalo nahay, waxayna leeyihiin madaxbanaanidooda iyo sharafta dadkooda,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

“Adduunku wuu ogyahay in Socotra ay tahay dhul Yemen ah, oo ay ka soo jirtay wakhtiyo hore,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Sannadkii hore, wasiir Cawad wuxuu sheegay in cilaaqaadka dalkiisa uu la leeyahay UAE uusan aheyn heerkii loo baahnaa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay burburisay shabakad basaasnimo ah oo u shaqeysa Imaaraadka.