Suldaan Seeraar oo loo riyaaqay la qaaday fanaaniin u dhashay Zambia

1460

Fanaanka caanka ah ee Suldaan Seeraar oo ku sugan magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa ka qeyb galay show heeso ah isla markaana fannaaniinta dalkaasi ay kala qeyb qaadanayeen.

Kooxda Zambia ayaa heesta ay ku luqeynayeen waxaa lagu magacaabaa “Haweenka Afrika” iyadoo Fannaanka Suldaan Seeraar uga qeyb qaatay luqadda Soomaaliga isla markaana ku ammaanay haweenka dalalka Soomaaliya iyo Zambia.

Waa markii ugu horeysay oo Suldaan Seeraar si wadajir ah hees ula qaado fannaaniinta dalalka Afrika, heestaan ayaa ah nooca Raabka loo yaqaano, iyadoo haween Soomaali ahna qeyb ka ahaayeen.