Daawo – Maraykanka oo xaalad deg-deg ah la geliyey

1303

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku aadan cudurka Coronavirus oo si weyn uga faafaya caalamka.

Mr. Trump ayaa sheegay in amarkaas uu dowladda siin doono galaangal ay ku hesho ilaa 50 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha loogu talagalay xaaladaha degdega ah.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu taageersan yahay dhaqaale cusub oo xaaladda lagu dabcinayo oo ay ku heshiiyeen xisbiga Dimuqraadiga kaasoo goor dhaw ay u codayn doonaan Aqalka Kongareska.

Lacagtaas waxaa lagu isticmaalayaa kharashka la siinaayo dadka qaata fasaxa xanuunka, cunnada iyo mid loogu talagalay dadka aan shaqeyn.

Deegaanno badan oo ka tirsan Mareykanka ayaa waxaa la xiray iskuulladii si la isugu dayo in la xakameeyo cudurka, deegaannadaas waxaa ka mid ah Los Angeles iyo Illinois.