Waare oo shaqo joojin ku sameeyay wasiir ka tirsanaa xukuumadiisa (Akhriso)

1695

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka  Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa   waxaa shaqada looga joojiyay  Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle.

Xildhibaan Saadaq Mukhtaar oo ahaa Wasiiru dowlihii Dastuurka Hirshabeelle ayaa  lagu eedeeyay inuu jebiyay amar kasoo baxay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, kaasi oo ahaa aan la isugu imaan karin goobaha ay dadweynaha ku kulmaan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasiiru dowlihii wasaarada dastuurka uu shalay qeyb galay Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar, xili Madaxweyne Waare  uu amar ku bixiyay  in dadka isugu yimaadan Munaasabadaha, si uusan faafin  Cudurka Covid 19.