Wada hadallo lagu xalinayo xiisada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

922

Maanta oo Axad ah waxaa la filayaa inay magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya, kuwaasi oo ujeedka socdaalkooda la xiriiro sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka ay Kenya la leedahay dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalada wafdiga Kenya ay la leedahay dhigeeda Soomaaliya uu qeyb ka yahay ururka IGAD, iyadoo la filayo in kulankaasi ay ka soo baxaan go’aano ku saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan Balal Maxamed Cusmaan oo kulan la qaatay wafdiga Kenya ka socda ayaa labada dhinac waxay ka wadahadleen arrimo ku saabsan qodobada keenay khilaafka soo gala dhex galay.

Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ah xiisada ka aloosan xuduuda kala qeybisa labada wadan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland oo taageero ka helaya kuwa Kenya iyo kuwo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya,marka uu ay kulanWada-hadalka u bilaabanayo labada dhinac ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, iyagoona Guddi xaqiiq raadin ah u xil-saaray xaaladaha ka jira xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.