Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo xalay lagu weeraray Guriceel

1631

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu weeraray guri uu ka degenaa magaalada Guriceel ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay guriga sarkaalka ku tuureen bambo gacmeed, mana jiro qasaaro nafeed marka laga reebo burbur soo gaaray halkii ay bambada ku dhacday.

Cabbdulaahi Cabdi Cali oo ah sarkaal ka tirsan sirdoonka NISA ayaa ka badbaaday weerarkaaassi, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidama ammaanka kuwaaasi oo bilaabay howlgallo ku saabsan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Dhinaca weerarka xalay ka dhacay degmada Guriceel ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahaan halkaasi ka taagneyd xiisad ku aadan masjid ay leeyihiin wadaadada urur diimeedka Al-itixaad.

Sarkaalka la weeraray ayaa horay uga tirsan xarakada Al shabaab, isagoo ahaa nin lagu qabtay Dhuusamareeb xilli uu damacsanaa inuu isku qarxiyo goob ay ku sugnaan madaxda sare ee ururka Ahlu Suna, haye yeeshee markii dambe la sii daayay.