Raisal Wasaare Rooble oo sheegay in dib laga saxayo warqad ka soo baxday Wasiirka ganacsiga

791

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan rugta Ganacsiga oo warar horay u soo baxay ay sheegayaan in la kala diray.

Waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Rooble oo xafiiskiisa kulan kula yeeshay warbaahinta madaxa bannaan, iyadoo agaasimayaasha warbaahinta ay su’aalo ka weydiiyeen xaaladda dalka.

“Rugta ganacsiga lama kala dirin waana saxeyna warqadi ka so baxday wasiirka” ayuu yiri Ra’iisale Rooble oo su’aalo laga weydiiyay in kala diristii rugta ganacsiga la kala diray isla markaana tallaabadaasi ay si weyn uga xumaadeen rugaha ganacsatada maamul goboleedyada dalka.

Agaasimayasha qaar ayaa weydiyey Ra’iisal Wasaaraha sida doorashada dalka ka dhaceysa iyo doorka saxaafada arimaha mucaaradka saluugsan xaaladaha doorashooyinka.

Hadalka Ra’isal waaaraaha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan wasirkiisa Gabacsiga uu sheegay inuu kala diray balse dadaalo socda ayaa la rumeysanyahay iney maalmahan socdeen dadaalo si looga laabto arinkaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaaja iyo Ra’isal warahiisa ayaa kulamo la lahaa todobaadyadi la so dhaafay hogaanka sare ee Rugta Ganacsiga isla markaana lagu xalinayo tabashooyin la xariira arrintaasi.

Rugta Gabacsiga oo xiriir dhaw la lahaa dawladda, waxayna ay kawada shaqeeyeen arimaha canshuuraha deyn cafinta iyo kobaca dhaqaale ee dalka oo iminka maraya meel wanaagsan.

Wasiirka ganacsiga Mudane Xil Khaliif Cabdi Cumar ayaa dhowaan kala diray maamulka rugta ganacsiga Soomaaliya, iyadoo aan weli la soo magacaabin guddoomiyaha rugtaasi kaddib markii xiisad ka dhalatay arrintaasi uu sheegay Ra’iisal Wasaare Rooble in dib laga saxayo.