Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysaneysa dhageysiga 10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaasi oo lagu soo eedeyay Musuq maasuq.

Xubnahaan oo ah agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud oo dhawaan xabsiga laga sii daayay, iyadoona maanta la filayo in maxkamaddu go’aan ka soo saarto dembiyada lagu soo oogay.

Sidoo kale shaqaalahaan ayaa loo heystaa eedeymo ku saabsan lunsashada hantida dadweynaha, gaar ahaan markii uu bilowga ahaa Cudurka Corona virus.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilihii lasoo dhaafay wajaheysay wahwareer ka dhashay xiritaanka Shaqaallaha iyo sidoo kale agaasimaha Guud xilli xaalad adag uu dalku ku jiray isla markaana dowladdu la tacaaleysay cudur saf mareenka ah ee COVID-19.