Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe

1432

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta dib ugu laabray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiilada , Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullahi Deni ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu uga qeyb galay shirkii Golaha wadatashiga doorashooyinka, waxaana sidoo kalena uu tegay Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.