Yaa ka dambeeyay sharciga la hor geeyay Baarlamaanka ee ku saabsan arrimaha jinsiga iyo kufsiga?

2262

Waxaa cirka isku shareeraya dooda ku saabsan sharciga akhrintiisa la mariyay Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya toddobaadkii aynu soo dhaafnay, kaasi oo ay gudbisay xukuumadii la riday ee Ra’iisal Wasaare Cali Kheyre.

Xog ururin aan ka sameynay asal ahaan halka uu ka yimid in sharciga noocaan ah Baarlamaanka la hor geeyo ayaa muujineysa inay ka dambeeyaan hay’ado caawinaad ka hela kaniisadaha caalamka ee faafiya diinta Kirishtaanka.

Sharcigaan ayaa la sheegayaa in dalka Soomaaliya uu u saxiixay nin lagu magacaabo Cali Wardhere oo ah guddoomiyaha gobolka Bay, kaasi oo la sheegay in hay’ad uu isagu madax ka yahay ay iminka ka howlgasho magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu uga hadlay dhaqdhaqaaqa hay’adaha Kirishtaanka ay ka wadaan dalka Soomaaliya, isagoona sheegay inay ka dambeeyaan tacadiyada kufsi ee ka dhacaya gudaha dalka.

“Hay’ado Catholic ah ayaa lacag ku bixiyay in caruurta la kufsado si ay dhaqaale uga helaan” ayuu yiri Xildhibaan Idiris oo sheegay in sharciga la hor geeyay Baarlamaanka horay looga ansixiyay Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in Cali Wardheere guddoomiyaha gobolka Bay uu isagu si aad ah u garanayo, isla markaana dalka ku soo laabtay sanadkii 1994-kii isagoo guddoomiye ka ah hay’ad lagu magacaabo Catholic Release Service.

Sharciga jinsiga ee horyaala golaha Baarlamaanka iyo hadalka xildhibaan Idiris uu ku faafiyay baraha bulshada ku xiriirto ee Internetka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan magaalada Baydhaba lagu dilay laba nin oo isu galmooday, taasi oo shacabka Soomaalida ku noqotay dhacdo ay si aad uga naxeen isla markaana dhif iyo naadir ah.