Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray degmada Doolow

884

Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow ay halkaasi gaareen wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo sii-hayaha xilka Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan kulmiye Xirsi.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo wafdiga Wasiiru dowlaha ayaa waxaa kamid ah Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaasiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaada iyo xubno kale.

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dowladda Federaalka heshiis la galay.

Waxaa goorsii horeysay oo saakay gaaray Taliyaha Ciidanka NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo Saraakiil Ciidan, iyagoona goobjoog ka noqon doono heshiiska lagu dhameystirayo midka dowladda iyo C/rashiid Janan oo wata ciidamo fara badan.

Dhinaca kale warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland Maanta la keeni doono Magaalada Muqdisho, isla markaana maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo heshiis la galay dowladda Federaalka, iyadoo la filayo wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Janan iyo wafdiga ay Muqdisho yimaadaan.

Magaalada Beled Xaawo waxaa saakay aroor hore ka bilowday isu soo bax ay sameeyeen dadweyne fara badan, kuwaasi oo iyagu sitay boorar ay ku soo dhoweynayaan wafdiga Dowladda iyo imaanshiyaha C/rashiid Janan oo magaaladaasi gaaraya saacadaha soo socda.