Kudladda Murashaxiinta M/weyne ee Dhex-Dhexaadka ah oo war cusub ka soo saaray falkii lagu rasaaseeyay Imaam Max’ed Yuusuf

875

Kudladda Murashaxiin M/weyne ee Dhex Dhexaadka ah oo uu Horkacayo Guddoomiyaha Kudladda ahna Murashax M/weyne Dr Cumar C/qaadir Axmed Fiqi ayaa Maanta Hoygiisa Ku Booqdey Imaam Maxamed Yuusuf Iayagoo Uga Garaabey Wax Laga Xumaadana Ku Tilmaamey Rasaas lala Beegsadey Gaari uu La Socdeen Isaga iyo Cuqaal kale iyadoo Dhaawac iyo Khasaare Hantiyeedba uu Soo Gaarey Gaarigii ay wateen iyo Labo kamid ah Dadkii La Socdey.

Ugu Horeyntii Waxaa Hadalka Furey Guddoomiyaha Kudladda Murashaxiinta M/weyne Dr.Cumar C/qaadir Axmed Fiqi Isagoo Yiri Imaam Waan Kusoo Booqaney Anagoo Ka Xun Ficilkii foosha Xumaa ee aad La Kulantey Kaas oo aan aheyn Mid Ku Haboon in Lagu Sameeyo Hogaamiye Dhaqameedyada iyo Bulshada Dhamaanteed,waanan kaaga Garaabeynaa kuna garab taagannahey,waxaanan Leenahey Waa In arintaas Baaritaan Lagu sameeyaa,jawaab waafiyana keenaan Hay’adaha Amniga Qaabilsan,hadii kale aan u Qaadan Doono Mu’aamarad Intaas ka weyn oo Lala Damacsanaa Imaamka iyo Cuqaashii La Socotey.

Sidoo Kale Waxaa isna Hadal Jeedinta iyo Gawshaha Imaamka Loola Tagey Qaatey Mid Kamid ah Murashaxiinta M/weyne ee Kudladda ku Bahoobey Prof. Saciid Ciise Maxamuud Isagoo Salaam kadib Yiri Imaam Anigu Waxaan Kasoo Jeedaa Dhusamareeb Xarunta Maamulka Galmudug Aad ayaan u Qiimeynaa una Ixtiraamnaa Imaamka iyo Qoyska Reer Imaam Ficilkaasna waxaan u arkaa in uu ahaa Isku Day Dil Alle ayaase idinka badbaadiyey,Hase Yeeshee Waxaan Kaa Codsaneynaa In aad Noogu Galiinto M/weynihii Hore Farmaajo oo aad Tiraa Igu Sharaf Tanaasul Kursigana Bannee Maadaama aad adiguba Dhawr Jeer Isku Aadsay,sidoo kale Haku sharfo In Gobolka Banaadir Maamul Loo Dhiso Kharashkana Bixiyo Maadaama uu Lacago Farabadan uu ku bixiyey Maamulo aaney Waxba kasoo Gelin.

Ugu Danbeyntiina Imaamka ayaa Ka Mahadceliyey Booqashada ay ugu Yimaadeen Murashaxiinta uu Hor Kacayey Dr Cumar C/qaadir Axmed Fiqi Isagoo Sheegay In aanu Halkan u fadhin Arrimo Siyaasdeed ee uu Yahey Dhaqan Talo Bixiya Duceeyana Isagoo Intaas Raaciyey in ay Soo Booqdeen Siyaasiyiin badan iyo Xubno kamid ah Dawlada federalka Dhamaantoodna iiga garaabeen ficilkaas Raggii fuliyey aaney wax ixsaan ah Noo Sameyn balse Alle Na Badbaadiyey Mahad alle ayaa Iska Lehe Dhamaantood Intii iiga garawdey oo ila Xanuusatey waan uga Mahadcelinayaa Waanan u Duceynaa Dhamaantood iyo Guud ahaan Dalka Rabi Hanoo Hagaajiyo,Waxeyna Booqashada Kudladda Murashaxiinta M/weyne kusoo Idlaatey Jawi Hagaagsan.