Ciidamada Booliska oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Wadajir

1143

Howlgallo dad badan lagu soo qabtay ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay fuliyeen Ciidamada booliska.

Nawaaxiga xaafadaha ay howlgallada ka socdeen ayaa la xiray, halkaasi oo ciidamada ay ka sameeyeen baaritaano qaar ka mid ah guryahaasi isla markaana waxaa la kaxeystay rag u badan dhallinyaro.

Inkasta oo qaar ka mid ah dhallinyaradaasi la sii daayay kaddib markii lagu waayay wax dembi ah, ayaa hadana maamulka degmada Wadajir waxa uu sheegay in la qabtay dhallinyaro ku lug yeeshay falal amni darro ah oo degmada Wadajir ka dhacay.

Howlgallada ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Wadajir ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan madaafiic hoobiyeyaal ah lala eegtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasi oo ciidamada ay uga shakiyeen in laga soo tuuray xaafadda uu howlgalka ka dhacay.