WAR CUSUB: Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre

1102

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin ay wax uga qabaneyso sicir barar xoogan oo ku yimaada sicirka ascaarta iyo maciishadda quutul daruuriga xilli dalalka caalamka ay albaabada kala xiranayaan cudurka Crona Virus awgiis.

Kulan xalay ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii looga hortegi lahaa sicir bararka, kaasi oo dhex maray ganacsatada iyo madax ka tirsan dowladda federaalka.

Ra’iisal Wasaare oo kulankaasi shir guddoominayay waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka ganacsiga, ganacsatada shirkadaha ka howlgala dalka kuwaasi oo iyagu badeecado kala duwan dalka soo geliya.

Eng. C/llaahi Cali Xasan Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo saxaafadda la hadlayay ayaa in shirkaasi looga hadlay in dhaqaalaha dalka uu saameyn ku yeesho cudurka caalamka gilgilay ee Crona Virus.

“Shirka waxaa looga halay sidii dalka looga badbaadin lahaa sicir barar ku yimaada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi oo sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo dhowr ah oo wax ku ool u ah dejinta istiraatiijiyad looga hortegayo culeys bulshada Soomaaliyeed uga yimaada ganacsatada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray qalabka afka lagu xirto ee Maasgarada ah, kaasi oo qiimihiisu gaaray in ka badan $30 (Sodon Dollar), halka markii hore uu ka ahaa $1 taasi oo keentay in dowladdu ku baraarugto culeyska ay ganacsatada ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.