Somaliland oo war culus ka soo saartay xil ka qaadista Ra’iisal wasaarihii DFS

1057

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka hadlay xil ka qaadistii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku sameeyay Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, isagoona sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid dhaawaceysa wadahadalada u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay wasiir Gaaxnuug in Somaliland aanay qaadan go’aan rasmi ah oo ku saabsan xil ka qaadistaasi, hase yeeshee ay mas’uuliyad darro tahay in si fudud lagu rido xukuumadda Muqdisho oo door weyn ku lahayd shirkii Jabuuti.

“In xukuumad dhisan la rido oo wadalhadalo noo socdeen waa mas’uuliyad darro, waxayna muujineysaa inaan lagu kalsoonaan karin” ayuu yiri ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Villa Somalia ee wakhtigeedu sii dhacayo boorka uga jafi lahayd olole ay mudada ku kororsaneyso, iyadoo baarlamaanka federaalka laga cabsi qabo inuu muddo kordhin u sameeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.