Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la xiro gebi ahaanba goobaha lagu faafiyo diinta Islaamka

1367

Wasaaradda diinta iyo Owqaafta Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in la xiro gebi ahaanba goobaha lagu faafiyo diinta Islaamka sida dugsiyada Qur’aanka iyo Mowlacyada.

Sheekh  Nuur Maxamed Xasan Wasiirka diinta iyo Owqaafta oo amarkan cusub ka hadlayay ayaa sheegay inuusan quseynin masaajidda, balse uu ku socdo dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ah iyo Mowlacyada lagu barto diinta Islaamka.

“Markii aan wada tashi badan ka yeelanay waxaan go’aansanay in muddo 15-maalin ah la xiro dugsiyada Qur’aanka iyo Mowlacyada” ayuu yiri Wasiirka diinta iyo Owqaafta oo sheegay in amarkaasi ujeedadiisu tahay sidii looga hortegi lahaa faafitaanka cudurka Corona Virus oo loo yaqaano Covid-19 kaasi isla markaana dhowaan laga helay Muqdisho dad qaba cudurkaasi.

Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed inay ka taxadaraan caafimaadkooda, isla markaana ay ku tukadaan guryahooda muddo laba toddobaad ah bacdamaa ay muhiim ugu tahay bed qabka caafimaadkooda.

Amarka ka soo baxay maanta oo Talaado ah ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya la tacaaleyso kahortagga cudurka halista ah ee Corona Virus isla markaana hay’adaheeda kala duwan ay ka soo baxayaan awaamiir lagu xakameynayo is dhex galka dadka iyo wacyi gelin ku aadan qaabka looga hortegi karo cudurka Corona Virus sida degdegta ah ku faafaya.