Ciidamo loo diyaariyay furiđa wadada Muqdisho iyo Baydhaba

1085

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in 1-dii Bishaan Dowladda Federaalka ay kusoo wareejisay Ciidamo ay u tababartay,kuwaas oo hwolgallo ka fulin doona deegaannada Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha Caalamiga ah ee dowladda ka Caawiya dhnaka Amniga ay tegi doonaan deegaannada Koonfur Galbeed si ay diiwaangelin sax ah ugu sameeyaan Ciidamada Koonfur Galbeed oo dib u abeyn lagu sameyn doono.

Sidoo kale Madaxweyne laftagareen waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada lagu soo wareejiyay iyo kuwa dowladda ay howlgal wado furis ah ka fulin doonaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Tan iyo markii la dhisay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa madaxda Maamulkaas waxaa ay ku cel celinayeen in la isku furi doono wadada xiriirisa Magaalooyinka muqdisho iyo Baydhabo balse aysan ku guuleysan.