Baarlamaanka oo 13-sanator u ansixiyay gobolka Banaadir

1142

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in gobolka banaadir matalaad laga siiyo Aqalka Sare.

142 Xildhibaan ayaa u codeeyay, 4 ayaa diiday mana jirto xildhibaan ka aamusay, iyadoo guddoomiyaha gobolka baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu ku dhawaaqay inuu sidaasi ansax ku yahay matalaadda gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Sare ku yeelanaya 13 xubnood, iyadoo markaasi wixii ka dambeeyay Golaha Baarlamaanka uu guda galay ajandayaashii kale ee hor yiilay.

Dhinaca kale meel marinta golaha shacabka sanatarada 13-xildhibaan ee aqalka sare ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd doodo la xariira arrintaasi.

Meel marinta qaraarka Golaha Baarlamaanka ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu Baarlamaanka ka codsaday matalaadda dadka gobolka Banaadir ee tiradoodu ka badan tahay3-Milyan qof.