Booliska oo lagu wareejiyay bar ay horay u fadhiyeen ciidamada Asluubta (Waa maxay sababta?)

2180

Ciidamo Boolis ayaa lagu wareejiyay baraha koontaroolada magaalada Muqdisho oo ay hore askar ka tirsan Ciidanka Asluubta uga howlgali jireen.

Barahan Koontarool ee ku yaallay agagaarka Dekeda Muqdisho, Wadada hormarta Maxkamadda Gobolka, Xabsiga Dhexe iyo Kawaanka Malayga ayaa waxaa haatan wixii ka dambeeya ka howlgali doono ciidamo Boolis ah.

sababta loogaga qaaday barahan Ciidankii Asluubta ayaa ah kadib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday agagaarka Kawaanka Malayga oo lagu rasaaseeyay kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Ka qaadista ciidamada asluubta ee barahan koontarool ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli uu taliyaha ciidamada asluubta General Mahad uu sheegay in ciidamadii rasaasta ku ridey kolonyada uu saarnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ku saxsanaayeen maadaama rasaas lagu soo ridey.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Asluubta ayaa falkaasi ka bixiyay raalli gelin, isagoona difaacay ciidamada rasaaseeyay kolonyada madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qeyb galay munaasabadda Booliska loogu wareejinayay bartaasi kontrol ku sugnaa labada taliye iyo saraakiil ka kala tirsan labada ciidan.