Xildhibaannada golaha shacabka ah oo maaanta kulan yeelanaya Muqdisho.

1089

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta kulan aanc aadi aheyn ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Illaa laba ajande, kuwaas oo kala ah:

1 – Akhrinta 3-aad ee wax-kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2-aad iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

2 – Iyo warbixin ku sahabsan wax – qabadka 100-kii maalmood ee la soo dhaafay ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariin  lagu wargelinayo

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha shacabka hortegi doona maalinta Talaada ah oo taariikhdu ay ku began tahay 9-ka bishan Febraayo, waxuuna xildhibaanada ka hor sharixi doonaa wabixinta maanta loo qeybinayo ee wax qabadka xukuumadiisa.