KHRISO Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda dalka iyo Kudladda musharaxiinta oo soo saaray bayaan culus

1046

Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda dalka ayaa maanta soo gabagabeeyay shir maalmahaan uga socday magaalada Muqdisho, waxayna soo saareen bayaan ka kooban shan qodob oo ku saabsan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Cali Maxamed Nuux (Tima Jillic) oo ah afhayeenka kudlada ahna guddoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga ayaa halkaasi ka akhriyay bayaanka ka soo baxay shirkii ay maanta yeesheen, iyadoo halkaasi khudbado kala duwan ay ka jeediyeen madaxda xisbiyada iyo kudladda musharaxiinta madaxweyne ee dhexdhexaadka ah.