Daawo – Xildhibaan Faarax C.qaadir oo weeraray farmaajo

1356

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka kana mid ah kuwa aan taageersaneyn xukuumada ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya gaar ahaan madaxda dalka aysan nidaamka ku qancin Shacabka.

Waxaa uu ka hadalay sababaha keenay in shirar beeloodyo ay ka dhacaan dalka gaar ahaan Muqdisho iyo Garowe waxaana uu sheegay in taasi ay tahay niyad jab ka yimid nidaamkii dowladnimo ee dalka.

Xildhibaan faarax ayaa sheegay in waxyaabo loo baahnaa oo dastuuri ah aysan dowladu qaban sidaas darted shacabka ay doorbideen in si gaar ah u shiraan.

Waxaa uu sheegay in si walbo oo deynta loo cafiyo ama shidaal dalka loogu baaro hadii dowladu aysan qancin shacabka aysan waxba soo kordhineyn.

Geesta kale Xildhibaan Faarax Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka doorasho ay ka dhacdo balse aanan loo baahneyn In baaqashada doorashadashada shaki lagu muujiyo.

Waxa uu sheegay in dowladii uu ka tirsanaa ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud aysan jirin muddo kordhin la shaaciyay balse dowladu hada loogu baahan yahay in balankaas ay Fuliso sida uu hadalka u dhigay.

Shacabku ayuu ugu baaqay in ay la xisaab tamaan Dowladda Faderaalka Soomaaliya,waa hadii uu yiri balanka loogu baxo.

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo wareysi siiyey telefeshinka Somali Cable ayaa geesta kale waxaa uu dhaliilay Qaabka guddiga adeega Garsoorka loo wado Dhismahiisa,iyo sharciyada uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.