Ra’iisal Wasaare Rooble oo markii ugu horeysay kulan wadajir ah la yeeshay guddigii uu dhowaan magacaabay

1706

Ra’iisal Wasaaraha xil gaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay kulan la yeeshay guddi isku dhaf ah oo uu dhowaan magacaabay kaasi oo ka howlgelaya heshiis rasmi ah oo laga gaaro shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay guriga madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka.

Madaxweynaha Galmudug oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in kulankaani uu yahay mid qiimo badan oo fursad weyn ah isla markaana lagu soo bandhigayo xalka shaqaadooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana laga gaaray xal.

“Waan obaagdineynaa in xal laga gaaray shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo sheegay in dhammaan ka qeyb galayaasha kulanka ay ku garab taagan yihiin Ra’iisal Wasaaraha dadaaladiisa ku aadan arrimaha nabadgelyada iyo doorashooyinka dalka ka dhaca oo wada ogol ah.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dalbaday guddiga uu dhowaan magacaabay, musharixiinta iyo dhinacyada siyaasadda dalka inay gacan ku siiyaan dadaaladiisa ku aadan ee dhowaan loo igmaday.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan rabaa mas’uuliyadda amniga inay adkeeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo sheegay in la sugo guud ahaan amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoona faray ciidamada dowladda inay ku laabtaan xeryahooda.