Shiinaha oo shaaciyey dal uu rumeysan yahay inuu ka dambeeyo Coronavirus

1209

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay Coronavirus keeneen magaalada Wuhan ee dalkiisa, oo ah halka sida ugu darran uu u saameeyey.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii dowladda Shiinaha ay ka carrootay war kasoo baxay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Robert O’Brien, oo ku eedeeyey Beijing inay aad uga gaabisay inay deg deg uga fal-celiso, kana hortagto fayruska markii uu soo shaac baxay dhammaadkii sanadkii tagay.

Isaga oo ka jawaabaya eedeyntaas, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian, waxa uu qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Mareykanka ay yihiin kuwa wax qarinaya.

“Goormee qofkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ku dhacay cudurka, imisa qof ayuu saameeyey. Waa militariga Mareykanka kuwa Coronavirus keenay Wuhan. Waa inay caddeysaan xogtiina,” ayuu yiri Zhao Lijian.

Zhao sooma bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya in militariga Mareykanka ay ka mas’uul yihiin dillaaca fayruskan.

Afhayeen kale oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Geng Shuang ayaa isna saraakiisha Mareykanka ku cambaareeyey hadallo “mas’uuliyad darro iyo anshax xumo ah.”

Waxa uu sheegay in dadaallada Shiinaha ay ku xakameeyeen faafitaanka fayruskan ay dunida siisay waqti ay ugu diyaar garoobaan inay ka hortagaan.

Coronavirus ayaa bishii December 2019 kasoo shaac baxay magaalada Wuhan iyo gobolka ku hareereysan ee Hubei, halkaasi oo laba meelood saddex meel kiisaska guud ee caalamka ee cudurkan laga diiwaan geliyey.

Hase yeeshee toddobaadyadii tagay, inta badan kiisaska cusub ayaa laga diiwaan geliyey meel ka baxsan Shiinaha.