Dagaal u dhexeeyay Shabaab iyo ciidamada Puntland oo ka dhacay Boosaaso (Faahfaahin)

1164

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu weli socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab, dagaalka oo ka socda buuraha ku teedsan magaaladaasi Boosaaso.

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Al Shabaab waxay sheegtay in 400 maxaabiis oo ku xirnaa xabsiga ay sii daayeen.

Dowladda ma aysan xaqiijin tirada maxaabiista ka baxsatay halkaas balse la qabtay qaar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Booliska waxay sheegeen inay baarayaan waxa ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.