Ra’iisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay in cadaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay shaqaada garoonka diyaaradaha

782

Maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa ka dhacday shaqaaqo u dhaxeysay ciidamada nabadusgidda iyo shaqaalaha garoonkaasi, iyadoo burbur uu soo gaaray qaar ka mid ah xafiisyada garoonkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.