DEGDEG: Axmed Madoobe oo faahfaahin ka bixiyay sababtii uu uga baxay shirka Dhuusamareeb

812

Madaxweynaha maamul goboleedka Axmed Maxamed Islam ayaa goor dhow qabtay shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo sababtii keentay inuu ka baxo shirka Dhuusamareeb ee ay leeyihiin madaxda heer federaal iyo maamul goboleed, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan khilaafka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in maamulkiisu tanaasul fara badan ka sameeyay sidii uu uga qeyb geli lahaa shirka Dhuusamareeb, isagoo sheegay in kulankii uu la yeeshay wakiilka QM kaddib uu go’aansaday inuu ka qeyb galo shirka.

“Shirka Dhuusamareeb waxaan ka qeyb galay iyadoo ay taagan tahay dhibaatada ka jirta gobolka Gedo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo sheegay inay arrintaasi isku fahmi waayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in laga wada hadlo arrimaha magaalada Kismaayo ee aan la soo hadal qaadin arrimaha gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka baxay kulamo dhowr ah oo lagu gaaray kulamada looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, wuxuuna si weyn u dhaliilay ciidamada dowladda Federaalka ay geysay gobolka Gedo, isagoo su’aalo la keenay ujeedada halkaasi loo geeyay.

“Ciidamada dowladdu geysay xuduuda ee la leeyahay waxaa laga ilaalinayaa kuwa Kenya maxaa ku gaar yeelay gobolka Gedo maadaama labada dal ay leeyihiin xuduud aad u dheer?” ayuu isweydiiyay Axmed Madoobe oo hoosta ka xariiqay in xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay duullaan ku tahay maamulka Jubaland oo uu isaga ka arrimiyo.