DF Somalia oo shaacisay in ay korortay tirada dadka ay u karantiishay Coronavirus

1459

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka ay u karantiileen cudurka ku faafaya caalamka ee Coronavirus.

Ayada oo markii hore la ogaa kaliya hal qof, ayaa wasiirka waxay iminka sheegtay in tirada dadka ay dowladda Soomaaliya karantiishay ay tahay afar qof oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronavirus.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishan, halka saddexda kalena ay dalka soo gaareen maanta, sidda ay shaacisay wasiir Fowsiya.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in dadkaas hadda lagu hayo meel gaar ah oo lagu tala galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan ayna fulinayaan awaamiirta caalamiga ah ee Coronavirus ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay shalay ku dhowaaqday in cudurka Coronavirus uu yahay “Pandemic”, oo macnaheedu yahay cudur isaga faafa dalalka.

WHO ayaa sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda caalamka laga xaqiijiyey 118,000 kiis oo ah cudurkan, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19, iyo dhimashada in ka badan 4,000 oo qof.

Saddexda dal ee ugu xun ee cudurka uu saameeyey ayaa kala ah China, Italy iyo Iran.