MAXAAD KA TAQAAN DADKA LOO YAQAAN ALBINOS- KA ?

1508

Albinos waa eray ka yimid luqada latin – ka ( ALBUS ) oo micnihiisu yahay CADAAN ( WHITE ), waxaa kaloo loo yaqaan ACHROMIA, A chromasia ama ACHROMATOSIS, dhanka kale waxaa la oran karaa waa qof ama xayawaan wada cad oo la moodo in uusan maqaar laheyn.
Albinos waxaa loo qeybiyaa laba nooc oo kala ah OCULOTANEOUS ( CADAAN ) kaas oo saameyn ku yeesha INDHAHA, MAQAARKA iyo TIMAHA iyo OCULAR ( PALE ) oo micnihiisu yahay midab aan dhalaaleyn oo barax ah saameyna ku yeesha indhaha oo kaliya, ALBINO waa dhif in la’is qaadsiiyo, firgudbin uu ku yimaado, ama la ‘iska dhaxlo xaalada dhacda iyadoo la’eego asalka labada jinsi , go’aanka xaaladuna waa la’aanta midabka dabiiciga ah ee timaha,maqaarka iyo indhaha taas oo sababta u dayac naanta qoraxda.
Dadka ALBINO aragoodu waa mid dhiman , badidooduna sharciyan waxey ahaanayaan indho la’aan , tirada ALBINISKA ee waqooyiga AMERICA iyo EUROPE waa mid is bad badaleysa in hal qof oo ALBINO ah laga helayo labaatankii qofba laga helayo hal qof oo Albino ah, South Africa 5000 qof waxaa laga helaa hal qof oo ALBINO ah, halka NIGERIA 4- tii Kun ee qofba laga helayo hal qof, dhinaca dalka TANZANIA oo ah kan ugu badan ee ay ku nool yihiin ALBINO 30 Kun oo qof ayaa ku nool.
Dalka ALBINO waxaa dhibaato weyn ku haya naftooda KHAALIGA ahna ku waayaan 3 arimood oo kala ah.
1. Xubnaha jirkaada oo dayac tir ahaan loo isticmaalo, ayna weliba sii kordhayaan warshada soo iibsanaya .
2. Daawo ahaan in loo isticmaalo lafahooda iyo xubno jirkooda ka mid ah gaar ahaan kuwa aan qaan gaarin.
3. In loo adeegsado SIXIRKA( BLACH MAGIC ) taas oo caan ka ah dalka TANZANIA iyo dalal ka mid ah Afrikada Galbeed.
Dalka Tanzania oo ah halka ugu badan ee lagu dhibaateeyo dadka ALBINO 35 qof ayaa lagu dilay sanadkii 2008, halka sanadkii 2011 lagu dilay 62 qof 16 qof oo kalana lagu dhaawacay .
Waxaa iminka si weyn u bilowday in loo istaago difaaca dadka ALBINO iyadoo hay’adaha u dooda xuquuqda dadka ALBINO ay adeeg sanayaan halku dhigyo ay kamid yihiin JOOJI GOWRACIDA ALBINISKA , JOOJI DILIDA ALBINISKA iyo kuwo kale.
Albino kuma eka bini’aadamka oo kaliya ee xitaa waxaa laga helaa xayawaanka iyo dhirta, xayawaanada ALBINOS- ka waxaa ka mid ah ALBINO RED – NECKED WALLALY, ALBINO WISTAR RAT, EUROPEAN MOLE, ALBINO DEER ( DEERO ALBINO AH ),iyo qaar kale.
10 000 qof oo ah ALBINOS – ka oo ku nool Bariga africa ayaa dhuumasho iyo QAX ku jira iyagoo ka baqanaya in ay naftooda waayaan sida ay sheegayaan hay’adaha ICRC iyo BISHA CAS 75 kun oo US DOLLAR ah ayaana lagu iibsanayaa xubnaha ALBINOS – ka oo ay ka mid yihiin SAMBABKA, DHAGEHA, CARABKA iyo SANKA, Boqolkiiba sagaashan dalka ALBINOS – ka waxey ku nool yihiin bariga Africa iyadoo ay sii kordhayaan hooyooyinka garoobada ah sababtoo ah aabayaasha oo aaminsan in haweenkooda ay la xiriireen rag cadaan ah taas oo ay u aaneynayaan dhalashada caruurta Albinoska ah.
QALINKII QORAA SARE.
Muse Mohamed Osman
muusekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com