29 C
Mogadishu
Tuesday, April 16, 2024
Home Faallo WARBIXIN:- KHEYRE TAG EELNA REEB.!

WARBIXIN:- KHEYRE TAG EELNA REEB.!

1179
Si kastoo leysugu dayay in wax looga bedelo dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya soo ragaadiyay ee mudada dheer la iska soo dhaxlayay, misna waxaa muuqata in dhaqamadaas laga maarmi waayay oo ugu dambeyn Wax kastoo dhacay waxey noqdeen sidoodii hore, sida Baarlamaan mooshin wada,Madaxweyne iyo Reysalwasaare kala taga, khilaaf siyaasadeed abuurma xiliga doorashada iyo beesha Caalamka oo ku fal celisa cambaareyn.

•Madaxweyne Farmaajo oo madaxdii kaga horeysay kursiga ku dhaliili jiray iney wada shaqeyn waayeen Reysalwasaareyaashii ay soo xusheen, ayaa maanta ka mid noqday liiska saaxiibadiisii hore.

Baarlamaankan oo la filayay inuu ka qaan gaaray dhaqamadii hore ayaa isaguna mudadiisa miiska soo saaray 2 Mooshin oo xilalkii looga kala qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Reysalwasaarihii hore ee xukuumadda, sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in Baarlamaanka oo kaashanaya Madaxweynaha iney meesha ka saareen shaqadii Aqalka Sare, oo haatan Gudoomiyahoodii dibad wareeg yahay.

Mr Kheyre oo isna runtii ka nasiib iyo hooda badanaa Reysalwasaare yaashii xilka kaga horeeyay, marka laga fiiriyo mudada 3 sano iyo barka ah ee uu xilka hayay iyo awoodaha dheeriga ah ee uu isticmaalayay oo ah labo fursadood oo aaney helin saaxiibadii ka horeeyay,ayaa isagana xil ka qaadistiisii kedisada aheyd waxey dibada u soo saartay in isaga iyo Madaxweynehiisu ay khilaaf ku kala tageen, sidaana wuxuu uga mid noqday liiska Reysal wasaarayaashii khilaafka kaga baxay xeyndaabka dowlada.

Dhanka kale, inkastoo MD Farmaajo iyo Ex RW Kheyre ay in mudo ah khilaaf kooda qarsanayeen hadana waxaa la rumeysan yahay in Shirkii Dhuusamareeb uu ahaa midka waxkastoo jiray dibada u soo saaray, maadaama uu madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu tegay qorshe halis ah oo ay RW kheyre iyo Madaxweyne Goboleedyadu isla diyaariyeen,kaas oo ahaa in marka ugu horeysa meesha laga saaro Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo.

Qorshuhuna waxa uu ahaa in marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb in Madaxweyne Goboleedyadu ay qaab wada tashi ah ugu yeertaan xubnaha maamul goboleed yadooda ku matala Baarlamaanka iyo Aqalka sare, si marka ay u kala ambabaxaan deegaanada laga soo doortay loo kala mashquuliyo iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo waqtigana looga dhameeyo, marka la gaaro balanta kulanka 2 aad ee 15ka August loo madlan yahay Dhuusamareebna leysugu tago iyadoo MD Farmaajo aaney xarigiisa xoolo ku jirin, dabadeedna miiska loo soo saaro in doorashadu noqoto mid dadban oo ay maamulaan Odayaasha dhaqanku, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu dhamaanayana sidaa lagu kala diro.

Madaxweyne Farmaajo oo arinkaas u gows qaniinay ayaa markii uu Dhuusamareeb ka soo laabtay Gudoonka baarlamaanka dhegaha ugu shubay shirqoolka loo maleegay, wuxuuna ka dalbadaday in ugu horeyn meesha laga saaro Saaxiibkiis Kheyre, si uu u kala dhantaalo awooda siyaasadeed ee lee qorsheeyay, waxeyna shaxda Dhuusamareeb isku doon wada saartay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo qorshahoodu yahay in aaney gacantooda ka bixin doorashada la filayo 2021 ka iney dalka ka dhacdo, iyo in la helo waqti dheeriya oo howlahaa lagu maareeyo maadaama lagu eedeeyay Xukuumadda lakala diray iney ka gaabisay qabashada doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, waxeyna labadooduba waa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyaduba weli ku adkeysanayaan iney waqtigeeda ku dhici doonto doorasho QOF iyo COD ah.

Hase yeeshee arinkaas waxaa walaac weyn ka muujinaya Siyaasiyiinta mucaaradka ah, Reysalwasaarihii hore, Maamul Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo dadka rogroga Siyaasadda Soomaaliya, waxeyna u arkaan Riwaayad cusub oo marka la qaaro 8-da February 2021-ka lagu soo bandhigi doono Tiyaatarka Qaranka ee uu dhowaan Madaxweyne Farmaajo xariga ka jaray.

WAA SOCOTAA

W/Q:- Abdulkadir Dulyar.