Dibad baxyada dalka Lubnaan oo sii kordhaya

2070

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Lubnaan waxaa si xowli ah uga socda dibaxbayo ka dhashay qaraxii Jimcihii ka dhacay dekedda magaalada Bayruud ee caasimada wadaasi, iyadoo dadweyne careysan ay cagta mariyeen xafiisyo iyo xarumo dowladdu leedahay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka bannaanbaxyada dhigaya ay isugu soo baxeen hareeraha waddooyinka, iyadoo ciidamada ammaanka oo isticmaalaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo qalab kaleba u adeegsanay dadweynaha careysan.

Demonstrators hold Lebanese flags as they gather during a protest over deteriorating economic situation, in Beirut, Lebanon October 18, 2019. REUTERS/Mohamed Azakir

Dadka bannaanbaxaya ayaa isugu jira kuwo taageersan xukuumadda iyo kuwo kale oo ka soo horjeeda taasi oo ka dhalatay qarax jimcihii ka dhacay gudaha dekedda magaalada Bayruud ee caasimada dalkaasi, halkaasi oo qarax ka dhacay walxo kiimiko ah oo ku jiray bakhaarada Dekedda.

Shacabka Lubnaan ee xukuumada ka soo horjeeda ayaa dalbaday in la rido dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Michel Aoun isla markaana la daldalo dhammaanba dhinacyadii ku lugta lahaa dowladiisa.