Ruushka oo laga dalbaday inay ka huleelaan saldhig weyn oo ay dhisteen

1234

Dowladda Suudan ayaa ka codsatay Dowladda Raashiya inay qalabkooda Milliteri ka daad-gureystaan Saldhig ay Ciiddanka Badda Raashiya ka dhisan lahaayeen Dekedda Port Sudan ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay Warar ku aadan in la hakiyey Heshiis u dhexeeyey labada Dowladood oo lagu dhisi lahaa Saldhig Tas-hiilaad oo ay ka hawlgeli lahaayeen 300 Askar Raashiyaan ah iyo 4 Maraakiibta Dagaalka ee ay ku rakiban yihiin Hubka Nukliyeerka

Safaaradda Raashiya ku leedahay magaalladda Khartoum ayaa waxaa ay hoos u dhigeen wararkaasi, iyagoo sheegay inaan weli si rasmi ah loogu soo wargelinin Joojintaasi.

Sarkaal Sudanese oo la hadlay Wargeyska AAWSAT ayaa sheegay in Taliyaha Ciiddanka Badda Suudan u yeeray Jeneral Raashiyaan ku sugan Dekedda Port Sudan, kun wargeliyeen Go’aanka Dowladda Sudan ee lagu joojiyey Ciiddamadda Raashiyaanka ee loo soo daabuli lahaa Saldhigga Milliteri ee ay ka dhisan lahaayeen Dekedda Port Sudan.

Taliyaha Ciiddanka Badda ee Suudan ayaa waxa kale oo uu ka codsaday Jeneralka Raashiyaanka inay dib u daad-gureystaan Qalabka Milliteri, Raadaarada iyo Qalabka Isgaarsiinta ee lagu rakibay Saldhigaasi.

W/Q: Ustaad Nuradin