Heesaa caan ka ah Itoobiya oo lagu toogtay magaalada Addis Ababa

1519

Heesaagii da’da yaraa ee si weyn looga yaqaanay dalka Itoobiya ee  Haacaaluu Hundeessaa, ayaa la dilay fiidnimadii xalay  saacaddu markay ahayd 9:30 pm.

Taliyaha booliska Magaalada   Addis Ababa Getu Argaw ayaa xaqiijisay dilka , waxaana dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaal oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Warka ku saabsan dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Itoobiya iyada oo dad badan oo Itoobiyaan ah ay u baroorteen geeridiisa, oo ay cambaareeyeen dilka.

Taliyaha Booliska Magaalada Adis ababa ayaa sheegay in dhowr qof loo qabtay tuhun ah in ay dilka ka dambeeyeen dilka fannaanka.