Doorashada madaxtinimada Mareykanka oo maanta loo dareerayo

1714

Shacabka ku nool Mareykanka ayaa maanta u dareeraraya goobaha cod-bixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha xiga ee dalka ee afarta sano ee soo socota.

Waxaa xilkan ku loolamaya madaxweynaha hada talada haya Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, oo ay soo xusheen xisbiga Dimoqraadiga.

Inkasta oo doorashada rasmiga ah ay maanta dhaceyso, haddana 100 milyan oo qof oo Mareykan ah ayaa ka faa’iideystay codeynta xilliga hore oo socotay muddo ku dhow bil, taasi oo macnaheedu yahay in 70% dadka ay codeeyeen.

Labada musharrax ee Madaxweyne Donald Trump iyo Joe Biden ayaa si aad ah isugu dhow, waxaana adag in la saadaaliyo cidda guulaysanaya.

Dadka Soomaalida ah ee haysta dhalashada Maraykanka waxay si weyn uga qeybgalayaan doorashadan.

Qaarkood way sii codeeyeen, halka kuwo kalena ay maanta codadkooda ka dhiiban doonaan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee ay ku nool yihiin.

Gobolka Minnesota waxaa ku nool Soomaali xisbiga Jamhuuriga taageersan oo u codeynaya madaxweyne Donald Truymp.