Koox caruurta ka ganacsata oo lagu qabtay dalka Iran

1430

Taliyaha booliska magaalada Tehran, Brig-Gen Hossein Rahimi, ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurtaasi uu jiray 20 maalmood. Halka ka kalena uu jiray laba bilood.

Dhallaankan ayaa hore loogu soo iibsaday $ 500 (£ 400), waxaana lagu sii iibin jiray inta u dhaxaysa $ 2,000 iyo $ 2,500.

Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu “caruurta ka keenay qoysaska saboolka ah” isagoo damacsana inuu “u gacan geliyo qoysas siin kara mustaqbal wanaagsan”.

Brig-Gen Rahimi wuxuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah in booliiska la soo ogeysiiyay “xayeysiis ku saabsan barta Instagram ee iibinta dhallaanka”.

Askartu waxay ogaadeen “10 ilaa 15 bog oo caynkaas oo kale ah” halka ay sidoo kale heleen labada carruurta ah iyo saddexdi nin ee gadayayna la qabtay, ayuu yidhi. Carruurtii ayaa lagu wareejiyay waaxaha xannaanayta carruuta

Eedeysanayaashu waxay sheegteen inay ilmahan kaga soo iibsadeen qoysaska danyarta ah “lacag yar”, sida uu sheegayo taliyaha guud.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahiyeen wakaaladda wararka ee kooxda saxafiyiinta ee dhalinyarada, mid ka mid ah ragga ayaa yiri: “Tani waxay ka caawin laheyd dhallaanka inay helaan mustaqbal wanaagsan.”