Amiirka Dubai ‘oo doonaya’ in gabadhiisa 11 jirka ah uu u guuriyo Bin Salmaan

1529

Amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa isku dayey inuu gabadhiisa 11 jirka ah u guuriyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, oo 22 sano ka weyn, waxaa sidaa dhageysatay maxkamadda London.

Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa lagu warramay inuu bishii Febraayo 2019-ka ka xaajooday heshiiska gabadhiisa amiirad Jaliila – oo 11 jir ahayd – uu ugu guurinayo bin Salman.

Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday hooyadeed Amiirad Haya Bint Al Hussein oo maxkamad ku taalla London ka furtay dacwad ka dhan ah ninkeeda Sheikh Mohammed Al Maktoum.

Amiirad Haya ayaa Imaaraadka Carabta kasoo carartay sanadii tagtay, waxayna dalka UK ka diiwaan gelisay codsi furiin. Waxay sheegtay in isku dayga gabadheeda loogu guurin lahaa Maxamed Bin Salman ay ka mid tahay sababaha ay usoo baxsatay.

Bilyineerka xukuma Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa horey loogu eedeeyey inuu afduubtay gabdhihiisa. Sanaddii 2000, Sheikha Shamsa Al-Maktoum ayaa isku dayday inay ka baxsato qasriga aabaheed ku leeyahay deegaanka Surrey, UK markaasi oo ay ahayd 18 jir. Shamsa ayaa laga qabtay Cambridge, UK, waxaana dib loogu celiyey Dubai, halkaas oo ay ku gashay xabsi guray laguna garaacay.

Sanado badan kadib, sanadii 2018 walaasheeda Latifa ayaa isku dayday inay baxsato ayada oo ka gudubtay xuduudda Cuman, kadibna raacday doon, iyada oo uu caawinayo sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada badda Faransiiska oo lagu magacaabo Jean-Pierre Herve Jaubert, hase yeeshee waxaa laga soo qabtay badweynta India, ayada oo ku dhow magaalada Goa ee India. Wixii markaas ka dambeeyey waxay ku jirtaa xabsi guri.

Qareenada difaaca Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa maxkamadda ka hor beeniyey eedeymaha la xiriira guurka qasabka ah ee gabadhiisa 11 jirka ah