Dowladda Puntland maxay dheer tahay maamullada kale ee K/Soomaaliya?

1643

Maamul goboleedka Puntland oo dhowaan u dabaal degay 22guuradii ka soo wareegtay tan iyo markii la asaasay ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay hooyada federaalka ka hanaqaaday dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii riday dowladdii AUN Jaalle Maxamed Barre 1991-kii.

Xurmada dowladda goboleedka Puntland ay ku kasabatay inay bud dhig u noqoto shirar muhiim u ah masiirka Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Garowe dhowr goor, iyadoo ay ka soo qodobo muhiim u ah dowladda dhexe oo ay ku dhaqmayeen saddexdii dowladood ee ay kala hoggaaminayeen Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Farmaajo oo hoggaamiya dowladda wakhtigeedu gabaabsiga yahay.

Koonfurta Soomaaliya dowlad goboleedyada Jubaland, Hirshabelle, KGS iyo Galmudug, marka loo eego maamulka Puntland afarta maamul ee kale wuxuu iminka duwan yahay isagoo noday hormuudka dowlad goboleedyada hurinaya khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Dhaqdhaqaaqyada madaxweynayaashii soo maray sida C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas iyo madaxweynaha haatan xilka haya Saciid Cabdullaahi Deni dhammaantood waxay hoggaanka khilaafyada soo jiitamay ee xukuumadda Villa Somalia, kuwaasi oo qeyb ka noqday caqabadaha lugta qabtay in dalka ay ka dhacdo afti dadweyne.

Si kastaba arrintu ha ahaatee shirkii ay u dhamaayeen maamul goboleedyada iyo dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hareeyay kaddib xil ka qaadistii baarlamaanka ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoona laga cabsi in kulamada loo madlan yahay ee Dhuusamareeb dib u dhac ku yimaado.

Loolanka adag ee u dhaxeeya xukuumadaha Villa Somalia iyo kan Puntland ayaa kala maraya taageerada maamulada kale ee dalka ka jira 3 iyo 2, waxaana maamulka Saciid ku garab ah maamulka Kismaayo ka arrimiya ee Jubaland oo uu madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Islam (Madoobe).

Waxaa qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Email: saxafi37@gmail.com