HOGAAN IYO MADAX GEESIYAAL AH OO DANTA SHACABKOODA U TANAASUSHA WAQTIGAN LOO BAAHAN YAHAY

2048

Aduunyada u gudubtay in bulshooyin kala jinsi. kala diin ah. kala midab ah oo weliba kala dhaqan duwani inay si wada jira u ilaashadaan una dhintaan danaha iyo midnimada iyo magaca ay ku mideysan yihiin.

Anaga oo hal Jinsi ah. hal diin leh. isku midab iyo muuqaal ah. wax aan ku kala duwanahay aysan jirin inan maalin walba isu colaadino qabiil hebel iyo qabiil hebel. kan markaa xil haya lagu mucaarado inuu reer hebel yahay. ama lagu taageero inuu reer hebel yahay.

waxaa damiir iyo garasho yari ah inay xaaladaasi inoo gumeyso asaageen iyagu taa k gudbay. war aaway Soomaalinimadii. inagoo heli kara wax ina wada deeqa oo aan u Simanahay oo Soomaalinimo ah. maxaa inagu ooday xeydaabkan baas ee Sheydaanka ina kala geeyay inagu noqday ee qsbyaalada..

Soomaaliyeey Madaxda xilka heysa iyo Mucaaradkuba wey yimaadeen bulshadii ay ka dhasheena hortood wey jirtay. wey baxayaan bulshooyinkooduna wey joogi doonaan. yeynan qabiil taageero lagu dhiibin. keliya nidaamka iyo Sharciga ha la wada difaacdo.

kama wado in Farmaajo la taageero ama la diido. balse waa in si caadifad iyo nin jecleysi laheyn wax loo abaaro. kuwa mucaaradka ah waxaan leeyahay Arinta dalku haadaan bey ku sii socotaaye yaan lagu sii ridine wax ha far iyo suuldaariyo. qori qori ku taag iyo weer xanaf lihi wax inoo kordhin meysee odayaal masaalixo umadina darteed dareen qalbiga bulshada Soomaaliyeed qanciya keena.

Madaxweyne Farmaajo iyo Teamka la shaqeeya waxaan kula talin lahaa. Madaxweyne waad Soo Shaqeysay. howshi aad soo qabatay ee wanaagsaneyd wey badan tahay. waxii tabar ama waqti kuu diiday qasab kuguma inad dhameystirtid ee waxa meerto looga dhigay xilka in Hogaamiyaha hore shaqadii uu waqtigu u diiday in kan ka dambeeyaa dhameystiro.

Madaxweyne dalka halkaad gaarsiisay yeysan sababsan inay gacamahaga eersadaan. ee Sharaf iyo magac ka tag. dadaalkaagii Qaranimo waa laguu ogyahaye ha noqon mid hanan waaya sharaftaa iyo karaamadaa. noqo tusaale wanaagsan ee xaalada adag dadkiisa badbaadooda u tanasuli kara oo damiir damqada leh. waan hubaa tanaasul inuu xanuun badan yahay. balse geesiga calaamadahiisa ayey ka mid tahay qaadasho go’aan qaraar oo wax mideyn kara. ogow aragtida waa la gedgediyaa. waxaana kuu soo baxaya maxsuulka waxa ka imaan kara. waxaan kuu soo jeedinayaa Shacabkaga soomaaliyeed u tur oo dhinaca loo bato qaado. taas ayaa ah geesinimada hogaamiyaha fiican ee bulsho hogaamin kara.

Allow Towfiiqda dadkeena iyo Madaxdeena Waafaji.

W/Qoray: Abdurashid Abdulle Abiikar (Deylka)