Mucjisooyinka caabuqa Covid-19 uu uga duwan yahay cudurada ku dhaca bani’aadamka

1407

Cudurka halista ah ee Covid-19 ama Crona Virus oo ka duwan cudurrada ku dhaca bani’aadamka ayaa la soo baxay mucjisooyin ka yaabiyay bulshada ku dhaqan dalalka caalamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Talyaaniga oo ah dalka uu waxyeellada ba’an ka geystay marka laga reebo magaalada Wuhan ee wadankaasi Shiinaha oo uu cudurkani ka dillaacay markiisii hore.

Dowladda Talyaaniga ayaa awoodeda isugu geysay sidii ay wax uga qaban lahayd, iyadoo kooxo dhaqaatiir ah geyneysa meelaha uu ku xoogan yahay cudurkaasi gaar ahaan gobolada dhaca waqooyiga dalkaasi oo ay ku yaalaan inta badan warshadaha dalka uu leeyahay.

Wararka ayaa sheegaya in dad tiradoodu ka badan tahay 700-ruux hal maalin kaliya cudurka Covid-19 dartiis ugu geeriyoodeen, halka tiro aan ka yareynna uu soo ridanayo maalin gudaheed.

Qaaradda Afrika oo ka yasiran halista faafitaanka cudurka Crona ayaa la soo werinayaa in iyana dalal hor leh laga helayo kiisaska dadka uu soo ridanayo, waxaana maalintii shalay dalka Itoobiya ka degay milkiilaha shirkadda Alibaba, kaasi oo dalalka qaaradda ka caawinaya sidii ay uga hortegi lahaayeen halista faafitaanka cudurka Covid-19.

Dhaqaatiirta iyo khubarada caalamka ayaa sheegay in cudurkani sida dhaqsida leh ku faafaya aan weli la helin dawadiisa, hase yeeshee waxay ku taliyeen in qof kasta uu si iskiis ah uga taxadaro xaaladda caafimaadkiisa, isla markaana dadka laga helo inay qaataan dawooyinka anti biyootikada ah.

Cudurka Covid-19 oo ay ka soo bogsadeen dad uu ku dhacay, halka malaayiin ruux u geeriyoodeen waxaa ka mid ah mucjisooyinka lala yaaban yahay in dadka u geeriyooda la gubo meydadkooda taasi oo aan horay uga dhicin adduunka aynu ku nool nahay, kaddib markii shalay dalka Talyaaniga ay ka dhacday arrin ugub ku ah shacabka dalkaasi.

Meydad tiradoodu gaareyso ilaa 700 oo cudurka Crona aawgiis u geeriyooday ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo amarkaasina ay dowladdu bixisay bacdamaa qofkii u dhowaada meydka uu isna cudurka qaadayo.

Culimada Islaamka ayaa aaminsan in cudurka Covid-19 uu yahay masiibo xagga Allah ka timid oo uu ugu talo galay inay dadkiisa ku cibro qaataan, iyadoo mucjisada adduunka noqotay inuu si saf mar ah ugu dhacayo madaxdii dowladaha caalamka ugu awooda badan, sida Ra’iisal Wasaaraha dalka Canada oo is karantiilay kaddib markii uu cudurkaasi ka qaaday xaaskiisa, Wasiirka caafimaadka dalka Iiraan, Wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska, madax iyo saraakiil rag iyo dumar isugu jira.

Dhinaca kale caabuqa Crona Virus waa xanuun sida hargabka oo kale ah isla markaana u sii gudba neef mareenka, waxayna culimada sayniska caafimaadka sheegayaan inuu si aad ugu koriinsho badan badan dalalka uu ka jiro qabowga digriigiisu aadka u hooseeyo, iyagoona tilmaamay dadka ku nool dalalka cimiladoodu kulushahay ay u badan tahay inay ka badbaadaan waxyeelada cudurkaasi.