Dowladda Soomaaliya oo heshay taageero aan horay loo arag (Faahfaahin)

1073

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muteysatay taageero aan horay loo arag tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu xilka Ra’iisal Wasaarenimo u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Tallaabada Ra’iisal Wasaaraha uu u qaaday dhinaca deyn cafiska ayaa noqotay tan ugu weyn ee uu ku helay taageerada dalka gudihiisa iyo dibadiisa uga timid, kaddib markii Bankiga Adduunka uu soo saaray warbixin ku saabsan hannaanka deyn cafiska Soomaaliya inuu marayo heer gabagabo ah.

Warbixin Bankiga adduunka uu soo saaray maalinimadii doraad ahayd ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya buuxisay shuruudihii ku xirnaa in deynta laga cafiyo, taasi oo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre u koray geed gaaban iyo mid dheer mudadii uu xilka hayay.

Sidoo kale Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo ururrada deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa iyana soo dhoweeyay warbixinta bankiga adduunka, iyagoona sheegay in Soomaaliya oo burbur dhaqaale ku dhacay ay iminka soo kabaneyso dhaawicii gaaray mudadii 30-ka sano ahayd.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa dowladda federaalka ku taageeray doorka lixaadka leh ee ay ku lahayd hannaanka Soomaaliya deynta looga cafinayo, iyagoona sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid yididiilo leh oo meesha ka saareysa kalsooni darridii ay beesha caalamka ka qabtay.

Labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland oo dowladda dhexe kala dhaxeeyo khilaaf xoogan ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo saarin, inkasta oo Muqdisho ay ka dhaceen kulamo dhex maray wasiirada Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada kaasi oo looga hadlayay sidii wadajir looga hortegi lahaa khatarta cudurka Corona Virus.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay warbixinta bankiga adduunka ka soo saaray hannaanka deynta looga cafinayo Soomaaliya ayaa sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan, isagoona sheegay in dowladiisu gaartay guul taariikhi ah.

Dalalka Soomaaliya deynta ku leh oo tiradoodu gaareyso ilaa in ka badan 30-dal waxaa ka mid ah Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Ruushka iyo kuwo kale, iyadoo dowladdii AUN Jaalle Maxamed Siyaad deyntii ugu dambeysay qaadatay sanadkii 1985-kii.