Deeq lacageed oo la soo gaarsiiyay Soomaaliya

983

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay in Soomaaliya la siiyo lacag dhan $55 milyan oo doollar oo Caawimaad ah.

Lacagtan ayaa loogu talagalay kabka Miisaaniyadda, xilliga adag ee COVID19 oo kiisas fadabadan oo kamid ah laga helay Soomaaliya.

Deeqdan ayaa la sheegey in Soomaaliya ku mutaysanay Maamul wanaag Maaliyadeed iyo Hufnaan dhaqaale, sida uu sheegey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiir Beyle ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay tallaabadaan,waxaana uu sheegay in uu aad iyo Aad ugu faraxsan yahay habka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Hey’adaha dhaqaalaha Aduudka oo uu ugu horeeyo World Banki.

“Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ka dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalo ay ku dooneysay in Soomaaliya deynta laga capito,waxaana qorshahaas ku amaanay Hay’adaha lacagta Adduunka.