Somaliland oo war kasoo saartay Coronavirus

969

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta warbixin kasoo saartay xaaladihii u danbeeyay ee xanuunka Coronavirus guud ahaan deegaanada Somaliland.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka laga helay 19 qofood, kuwaas 12 kamid ah ay rag yihiin, halka todobada kalena ay yihiin dumar.

warbixintan maanta kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Somaliland lagu ma shaacin wax dhimasho ah oo uu sababay xanuunka COVID-19 saacadihii u dambeeyay.

Tirada guud xaaladaha Coronavirus ee gudaha deegaanada Somaliland ayaa gaartay 449, halka inta la ogyahay 25 qofood oo ka mid ah dadkaas ay Somaliland ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-9.